Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

seddax bilood Kadib madaxweyne Xasan Sheekh oo kaso guuray Magaalada Dhuusamareeb

Talado , October -24- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray magaalada Dhuusamareeb oo uu deganaa ku dhawaad seddax bilood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay 3 diyaaradood Dhuusamareeb uga soo rartay agabkiisii madaxtooyada iyo inta badan shaqaalaha iyo ciidankii ka joogay Dhuusamareeb.
Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ka joogta Dhuusamareeb waxay bixi doonaan maanta oo Talaado ah, hadaba muxuu yahay qorshah Madaxweynaha.?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta  AS.

Sida ay ogaatay Warbahinta , Madaxtooyadu waxay qorsheysay in Maxaxweynuhu uu Muqdisho sii deganaado muddo bil ah, iyadoo bil kadib uu dib ugu soo laaba doono Dhuusamareeb, sidoo kale waxaa suurtagal ah inuu dego magaalada Baydhaba, halkaas oo meeshii uu degi lahaa looga diyaariyey, si looga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka AS ee kooxda looga xoreynayo Galmudug, si Madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu soo laabto isagoo howlgalku gabagabo yahay ama soo dhamaaday.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku maray Baydhaba iyo Xudur oo kala ah gobollada Bay iyo Bakool, wuxuu sahminayey hanaanka loo bilaabi karo wajiga labaad ee dagaalka, wuxuuna dagaalkaas ka hoggaami doonaa magaalada Baydhaba.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA