Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

Turkiga Oo Hoggaanka Xamaas Ku Amaray Iney Deg Deg Uga Baxaan Dalkaasi

Talado, October -24- 2023-{HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Turkigu uu u deyriyey madaxda Xamaas si ay dalka uga baxaan, in yar ka dib markii uu dhacay weerarkiiay Xamaas ku qaadeen 7dii Oktooba.
Wararku waxay sheegayaan insaraakiil sare oo Xamaas ka tirsan ay Turkiga ka dhoofeen. Warbixin ay qortay warbaahinta Al-monitor, Ankara waxay si asluubaysan uga codsatay madaxdaas inay dalka ka baxaan.

Ilo falastiiniyiinta ku dhow oo Ankara joga ayaa warbaahintaas u sheegay “Kooxaha Falastiiniyiinta oo ay kujirto Xamaas, kuma faraxsana mowqifka Turkiga. Hadalkooda waxaaa loo arkay mid aan waafi ahayn. Xataa ugama aysan yeerin safiirka Israa’iil wasaaradda arrimaha dibadda.

Markii weerarka uu dhacayey, hogaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo ku noolaa Qadar iyo Turkigu, wuxuu ku sugnaa Istanbul.

Eryidda ayaa sida la sheegay timid markii la arkay Fiidiyow ay ka soo muuqdeen Haniyeh iyo xubno kale oo la joogay oo u ducaynayey raggii weerarka qaaday ayagoo toos u daawanayey sida weerarku u dhacayo.

Laakinse sarkaal Turki ah ayaa beeniyey in dawladdu ay ku amartay Haniyeh iyo saraakiisha kale inay Turkiga ka baxaan.

Iswaydiinta arinta waxaa keenay hadalo dabacsan oo uu jeediyey Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanayd xiriro uu la sameeyey madaxda Gobolka kuwaas oo ku aadan joojinta xiisada ka taagan Qasa.

Balse hadalkiisa ayaan la mid ahayn marka loo eego sidii ay horey u ahaan jireen weerarro afka ah, oo ka dhana Israa’iil iyo taageerada Xamaas.

Tan iyo saacadihii ugu horreeyay ee weerarka ay qaadeen Xamaas, Ankara waxay miciin biday in ay adeegsato cod iyo erayo lagu tilmaamay “dhex dhexaadnimo”, kaas oo aysan farta ku fiiqin Israel ama Xamaas.

Maalmihii ugu horeyey ee colaada khudbadaha Madaxda Turkeriga waxay ku koobnayd cambaareynta khasaaraha dadka rayidka ah iyo xoojinta xiriirka dhammaan dhinacyada ay khuseyso si gacan looga geysto joojinta colaadda.

Weerarkii cisbitaalka Al-Ahli ee Qasa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo qof turkey wuxuu adkeeyey mowqifkiisa.

“Duqeymaha Israa’iil waa jawaab celin aan loo meel dayin waxayna ka dhigan tahay xasuuq,” ayuu yiri Erdogan. Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in ay joojiso weerarrada ay ku hayso Marinka Qasa, oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan isir sifeyn iyo xasuuq.”
Sidoo kale Erdogan ayaa ugu baaqay maamulka Israa’iil inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan dhulka falastiiniyiinta. Dhanka Falastiiniyinta wuxuu u jeediyey inay joojiyaan dhibaataynta bulshooyinka rayidka ah ee Israa’iil degan.

Hadalkan, inkastoo Erdogan uu dhaleeceeyay Israa’iil, la mid ma aha falcelintiisa ku aaddan kor u kaca Israa’iil ee horey looga bartay xilliyadii ay socdeen dagaalladii hore.

 

Erdogan ayaa adeegsan jiray xiliyadii hore lahjado adag iyo hadalo dareen leh oo ka dhan ah Israa’iil kuwaas oo uu ku tilmaami jiray falalka ay gaystaan kuwo aan meelna ku lahayn bini’aadanimada.

Dagaalkii Qasa ee 2014, oo ay ku dhinteen in ka badan 2,300 oo falastiiniyiin ah, Erdogan kuma ekeyn cambaaraynta wakhtigaas, laakiin jawaabtiisu waxay ahayd sidan:

“Israa’iil waxay habaaraan Hitler oo habaaraan habeen iyo maalin sababtoo ah Holocaust, Xasuqii Yahuuda ee Nasiga, laakiin maanta waxaan ogaanay in dawladda argagixsada ee Israa’iil ay hawl-galkeeda ku geystay wax ka badan xaquuqii Hitler marka la barbardhigo kan ay ka gaysteen Qasa”, ayuu yiri Erdogan.

Xiligaas Masar iyo Israa’iil ayaa ku eedeyey Qadar iyo Turkey inay ku riixayaan Xamaas inay diidaan hindisaha xabbad-joojinta Masar. Eedayntaas oo uu jeediyey Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah al-Sisi.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dib u celiyey abaal-marin uu hore ugu helay sanadkii 2004-tii xubnaha Yuhuuda ee Congresska Maraykanka, kadib eedeyn ay ku tilmaaneed isaga inuu yahay ‘Wadaad Khatar ah’ oo ka dhan ah Israa’iil.
Safiirka Turkey ee Washington ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku faraxsanyahay dib-u-celinta abaalmarintaaasi.

Dagaalka Qasa ee 2018, Erdogan wuxuu ku tilmaamay Netanyahu inuu yahay “argagixiso”, Turkigana wuxuu kala soo baxay safiirkiisii Tel Aviv u fadhin jiray. Wuxuuna kii ka joogay dalkooda Israa’iil faray in uu ku noqdo dalkiisa.

Laakin hada Turkey wuxuu doonayaa inuu damiyo xiisada sababtoo ah ma doonayo in dabkan ku fido gobolka, ayna timaado faragalin ciidan oo shisheeya kadib calaamadaha taagerada Israa’iil ee ay fidiyeen Maraykanka iyo dalal ka mida Yurub.

Dr. Khattar Abu Diab oo ka tirsan Jaamacada Paris kana dhigay xirirka caalamiga ayaa u sheegay BBCda: “Hadalka Erdogan wuu ka duwanaa marka loo eego mowqifka uu ka taagan yahay Falastiiniyiinta iska hor imaadyada 2014 iyo 2021 ka dib dib u soo celinta xiriirka Turkiga iyo Israa’iil, iyo xaaladda dhaqaale ee Turkiga awgeed, Erdogan wuxuu doortay dhexdhexaadnimo.” Waxa uu intaa ku daray in xaaladaha bini’aadantinimo iyo duqeymaha rabshadaha wata ee Qasa laga yaabo inay badalaan mowqifka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa hada Israa’iil u dhaleeceeya si ka duwan sidii hore ka dib kulankii dhexmaray isaga iyo Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Bilawga dib u dhaca xiriirka Israel iyo Turkiga wuxuu ahaa 2018, markii Turkiga uu ka carooday dilka Israel ay u geysatay daraasiin falastiiniyiin ah oo ka qayb qaadanayay banaanbax looga hor yimi ee wareejinta safaarada Mareykanka ee Qudus.

Turkeyga ayaa tan 2020-kii doonayey inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay wadamo badan oo ku yaala Gobolka oo ay ku jirtay Israa’iil.

Siidayntii Ankara lamaane u dhashay Israa’iil oo ku xirnaa Istanbul ayaa bog cusub u furay xirirka labada dal. Taas beddelkeedana, madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa booqday Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Qasa, in dalkiisu uu diyaar u yahay nooc kasta oo dhexdhexaadin ah, oo ay ku jirto in maxaabiista la is dhaafsado.

Wuxuu na Erdogan sheegay in dalkiisu uu ku jiro diyaar garowga lagama maarmaanka u ah sidii gargaarka bini’aadantinimo u gaari lahaa dadka Qasa.

“Turkigu wuxuu si cad u bilaabay inuu muujiyo rabitaankiisa ah inuu noqdo dhexdhexaadiyaha labada dhinac iyo inuu noqdo dalka kaliya ee awood u leh inuu la xiriiro labada dhinac laakiin wuxuu yiri waa goor hore in laga hadlo hadda si loo sii daayo maxaabiista,” ayuu yiri Yusuf Kateb.

Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Turkiga ayaa beeniyay jiritaanka wararka ay daabaceen warbaahinta mucaaradka Turkiga ee ku saabsan in Turkiga uu doonayo inuu faragelin militari ku sameeyo khilaafka hadda taagan.

Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Hakan Fidan wey ka go’an tahay dadaallo dhex dhexaadin ah ayey intaas ku dareen ilo wareedyada la xiriiray madaxtooyada Turkeryga.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Turkiga u arka xulufo istaraatiiji ah, waxaana dhowr ka mid ah hogaamiyaasheeda ay halkaasi degenaayeen muddo toban sano ah.

 

Madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa, Ismaaciil Haniyeh, iyo madaxa arrimaha dibadda, Khaled Meshal, ayaa sidoo kale si joogto ah u booqda Istanbul.

Laakiin Xamaas ayaa horay u dhaleeceeyay booqashadii madaxweynaha Israa’iil ee Turkiga, waxayna ku baaqeen “in aan la siinin maamulka Sahyuuniyadda fursad ay ku soo galaan gobolka oo ay ku carqaladeeyaan danaha shacabkooda”.

{DAAWO MUUQAALKA} u Diyaa garow Xoogan ee Munaasabada Ciida oo laga Daremayo magaalada Baladweyne.

Sabti 15 June 2024 {HMC} u Diyaa garow Xoogan ee Munaasabada Ciida oo laga Daremayo magaalada Baladweyne. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madadaale oo Banka carafo ugu Duceyey Dadka Isaamka

Sabti 15 June 2024 {HMC} Gudoomiye Madadaale oo Banka carafo ugu Duceyey Dadka Isaamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA