Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Antonio Guterres oo Badalay Moowqifkiisii Xamaas.

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hadalkiisa ku bilaabaya isagoo sheegay inuu aad uga naxay hadaladii uu shalay ka jeediyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay  halkaasoo uu sheegay inay muhiim tahay in la aqoonsado in weerarada Xamaas aysan ku imaanin meel banaan ah.

Sida haddii ay qiil u tahay falalka argagixisanimo ee Xamaas,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Tani waa been, waxay ahayd caksigeeda.”

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sii wada in uu ku nuuxnuuxsado inuu si aan leex leexad lahayn u cambaaraynayo “falalka argagaxa leh ee aan horay loo arag ee 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ka geysatay Israa’iil”.

Guterres waxa uu tilmaamay in shalay uu yiri “ma jirto wax sabab u noqon kara dilka ula kac ah, dhaawaca iyo afduubka dadka rayidka ah – ama gantaalada lala beegsado bartilmaameedyada rayidka”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Runtii, waxaan ka hadlay cabashada shacabka Falastiin.

“Markaan sidaas samaynayay, waxaan si cad u sheegay, hadii aan soo xigto: ‘Laakin cabashooyinka dadka Falastiiniyiinta ma aha in ay ka turjumi karaan weerarrada naxdinta leh ee Xamaas’.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA