Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada ssc khatuma oo la faray n aanay duullaan qaadin balse keliya difaac u galaan ilaalinta deegaannada ay joogaan..

Arbaca, October -25- 2023-{HMC}  Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo socdaal ku tegay qaar kamid ah furimaha dagaalka ee ciidanka maamulkiisa joogaan ayaa kula dardaarmay in ay ilaaliyaan amniga deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Firdhiye ayaa ciidanka SSC-Khaatumo uga digay in ay duulaan qaadaan balse taas baddelkeed aanay ka dhigneen in ay gacmaha ka laabtaan haddii ay kusoo duullaan ciidamada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali ayaa dhanka kale sheegay in Ciidanka SSC-Khaatumo ay dedaal xooggan geliyeen sugidda Amniga deegaannada maamulkiisa uu ku sugan yahay isaga oo ka rajeeyay in ay sii xoojiyaan howshaas ay wadaan.

Difaacista deegaannada ay joogaan ciidamada ka amar-qaata ayuu ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo loona baahan yahay in ay sii xoojiyaan mas’uuliyadda culus ee saaran.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maalin kahor dib ugu laabtay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool kaddib todobaadyo uu joogay Magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka.

Firdhiye waxaa u hirgalay in Dowladda Federaalka uu u gudbiyay qorshaha maamul loogu aqoonsado karo SSC-Khaatumo waxaana ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS ay u aqoonsatay Si KMG ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA