Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidmada Israa’iil oo duqeyn ku layay askar Suuriyaan ah

Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Siddeed askari oo Suuriyaan ah ayaa lagu dilay todobona waa lagu dhaawacay duqaymo ay Israa’iil ku qaadday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Daraa, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarku dhacay xalay.

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay weerareen bartilmaameedyo ciidamo Suuriyaan ah ay leeyihiin, iyaga oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay weerar ku qaadeen kaabayaasha milatariga kadib markii gantaallo looga soo tuuray xadka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA