DAAWO SAWIRADA } Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray Buurta Yacgoos

0
104

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka gar ahaan Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay maanta sameeyeen ku burburiyay godadkii ay al-shabaab ku lahaayeen Buurta Yacgoos ee koofurta gobolka Mudug

Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xooga dalka G/sare Cabdi Salaad Cali waxaana ku wehlinayey Gudoomiyaha Degmada Baxdo Mohamed Abdulahi Muse iyo Taliyaha ururka koowaad ee Daraawiishta Galmudug Macalin Abdi Daa’uud.

Waxay ciidamadu ku guuleeysteen ineey soo af jaraan al-shabaabkii ku sugna Buurta Yacgoos ee koofurta gobolka Mudug .

Ciidamada Xooga dalka iyo daraawiisha galmudug oo iska kaashanayay ayaa wada howlgallo sifayn ah oo lagu baacsanayo al-shabaab si looga saaro gobolada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here