Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada somalia oo markale Muqdisho kaso Dajisay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka Eritrea

Arbaca , October -25- 2023-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa mar kale dib loogu soo celiyay ciidamo cusub oo tababar kusoo qaaday dalka Eritrea, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay tababar kusoo qaadanayay qeybo kamid ah dalka Eritrea.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar kuso qaatay dalka Etirtea.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda AS.

Ciidamadii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea ayaa intooda badan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan dowladda qorsheeneysaa in qeyb weyn ka qaataan howlagllada ka dhanka ah kooxda AS.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA