Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jamhuuriga oo weli dooran la’ afhayeenka Aqalka Wakiillada

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Xubnaha xisbiga Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa mar kale Talaadadi shalay isku dayay inay soo magacaabaan murashax cusub oo isu soo taaga xilka Afhayeenka Aqalka.

Arrintan ayaa imaneysa kadib marki xildhibaan Tom Emmer uu noqday musharraxii ugu danbeeyay ee dhibane u noqda khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiillada.

Xildhibaan Mike Johnson oo laga soo doorto gobolka Louisiana ayaa hadda hoggaanka u haya mudanayaasha u hanqal-taagaya xilka afhayeenka aqalka wakiillada, kaddib marki uu 85 cod ka helay fadhi ay albaabada u xirnaayeen oo ay mudanayaasha Jamhuuriga yeesheen.

Emmer ayaysan kala caddeyn inuu ka fakan doono kala qeybsanaanta xagal-daacisay rajooyinki musharraxiinti isaga ka horreeyay ee waayay codka aqlabiyadda Aqalka.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa hoggaan la’aan ah tan iyo 3-di bishaan October, kaddib marki xilka laga tuuray afhayeenki hore Kevin McCarthy.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA