Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Biljamka

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Biljamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kaga qeybgalaya magaalada Brussels shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Shirkaan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo madaxweynaha Soomaaliya khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya mudnaanta u leh.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ay halkaasi kulamo duceedyo kulan qaadan doonaan madaxda kala duwan ee ka qeybgaleysa shirkaan muhiimka ah ee maanta ka furmaya magaalada Brussels.

Si kaataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in dalal badan oo ka mid ah kuwa Midowga Yurub ay haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka culus oo ay dowladu ku dooneyso iney kaga ciribtirto gudaha dalka kooxda Al-shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA