Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Tahay Caqabada ka dhalaneysa aqoonsiga SSC ee uu shaaciyay Deni?

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, ayaa waxa uu shaaciyay inuu caqabad ku noqon karo dhameystirka dastuurka.

Madaxweyne Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kalfadhigga baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu soo jeediyay in si taxadar leh looga fiirsado isbeddelka cusub ee ku yimid SSC-Khaatumo iyo weliba saamaynta ay ku yeelanayso halka ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka dalka.

“Isbeddelka ku yimid gobolka Sool iyo SSC, oo u baahan in si taxadar leh dalka looga fiirsado mustaqbalkiisa siyaasiga ah. Dastuurka iyo shuruucda dalka ma dhamaystirmayaan illaa SSC-Khaatumo iyo Somaliland xaalkooda la fiiriyo oo miiska la soo fadhiisiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo aan meel la saarin aayaha iyo mustaqbalka iyo meesha ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka wuxuu ku noqon doona caqabad aan dhamaan oo u baahan xal joogto ah.”

Arrimahan ayuu sheegay inay caqabad ku noqon doonto geeddi socodka dhameystirka dastuurka, oo xilligaan dowladda federaalka ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso dhameystirkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo uusan u socon fowdo iyo in uu wax kharibo ee uu doonayo inuu wax saxo, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland wax ma diidana ee waxay rabta inay wax saxdo oo aragtideeda si cad u dhiibato. Puntland waxay diyaar u tahay in hay’adaheeda kala duwan ee masiirigi ka shaqeeya in marxalad kasta iyo xilli kasta u ahaato mid u taagan sidii loo heli lahaa dowlad dhameystiran oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dimuqraadi ah.”

SSC-Khaatumo oo dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa sida muuqata soo afmeertay sanado rejo ah oo maamulka Puntland uu ka qabay inay dhankooda soo marto, maadaam uu dagaal adag dhexmaray Somaliland, oo ayadu dhowrkii sano ee u dambeysay arrimineysay deegaanadaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA