Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda oo dil toogasho ah ku xukuntay Askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Maxkamadda Ciidama Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey oo lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Marmuumka iyo Askarigaan ayaa waxa ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23-aad ee Gungaar, iyada oo falkaan uu ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir July 20, 2023-ka.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta. Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa September 26, 2023-ka ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey dil toogasha ah tas oo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Qareenada u doodaayay eedeysanaha ayaa October 15, 2023-ka qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday, taas oo keentay in Maxkamadda sare ee Ciidamadda ay aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada.

Maxkamadda sare ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA