Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mike Johnson oo loo doortay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} – WASHINGTON — Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa Arbacadii u doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isla markaana aan laheyn khibrad ku filan ee hoggaamineed inuu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah.

Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadi ah ka keeneen.

Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada uu helay 209 cod.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Jamhuuriga oo aqlibiyada yar ku heysta aqalka ayaa diiday saddex musharrax oo suurtagal ahaa kahor inta aysan dooran Johnson oo 51 ah oo laga soo doorto Louisiana.

Johnson ayaa ka mid ah taageereyaasha madaxweynihii hore Donald Trump.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA