Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Difaaca oo kulan la qaatay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaalka AS

Arbaco , October -23- 2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur {Jaamac} ayaa la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka oo uu Wehliyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saraakiisha Faray in sida ugu dhow u bilaabaan Howlgallada Dalka lagaga Saarayo al-shabaab

Wasiirka kula dardaarmay ciidanka Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iney ka dhabeeyaan hadafkooda la xiriira sidii As looga ciribtiri lahaa degaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Saraakiisha qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulankaas ka balan-qaaday iney bilaabi doonaan howlgalka ayna naftooda u huri doonaan sidii As loo ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo As.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA