Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wadahadalay dagaalka ka dhanka ah AS

Arbaco , October -25- 2023-{HMC} BRUSSELS — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay – hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab – kaas oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawisleyda ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmoyin iyo magaalooyin badan.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA