Wednesday, June 26, 2024
spot_imgspot_img

Ciidan loo diyaariyey la dagaalanka AS oo lagu soo bandhigay Degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} –  Maamulka Koonfur Galbeedka ayaa maanta degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigey ciidanka dadka deegaan ah oo ka qeyb galaya dagaalka AS sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Mudane Xasan Maxamed Xasan indho iyo Odayaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay Deegaanada, Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shacabka degaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Wajiga 2 aad ee Ciribtirka Kooxda Argagaxisada AS oo ka socda deegaanada Koofur Galbeedka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.06.2024}

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Fiidnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Dhaca Talefoonada Baladweyne oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Talaado june,25 2024 (HMC) Dhaca Talefoonada Baladweyne oo sababay dhimasho iyo dhawac. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA