Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad ka jeediyay kaga hadlay xaalada Somalia

Xassan Shiikh ayaa aya sidoo kale khudbadiisa ku sheegay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee ay siiyaan dowladiisa, wuxuuna ka dalbaday in la sii xoojiyo taageeradaas si Somalia ay ugu dambeyn cagaheeda iskugu taagto.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA