Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo Iran edeyn u jeedisay

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} – Ciidamada Israel ayaa ku eedeeyay Iran inay amartay weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha hubaysan ee ay taageerto Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen. Waxay sheegtay in Israa’iil ay daawanaysay dhacdooyinka gobolka oo dhan. Dhanka kale warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay koonfurta Suuriya ay ku dileen sideed askari, taasoo Israa’iil ay ku sheegtay in ay jawaab u tahay gantaallo horay loo riday.

Kooxda dabagalka ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya, ayaa sheegtay in Israa’iil ay sidoo kale duqeysay garoonka caalamiga ah ee magaalada Aleppo, oo ah magaalada ugu weyn Suuriya, markii afaraad muddo laba toddobaad gudahood ah.

Daanta Galbeed ee la haysto, wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil (kadib markii Israa’iil ay sheegtay in ciidamadeeda ay rasaas kala kulmeen maleeshiyaad hubeysan).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA