Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Dood Cilmiyeed kusoo Gabagabeeysay Magaalada Baladweyne.

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Maalintii Labad ayaa Magaalada Baladweyne Lagu soo Gabagabeyey Dood Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA Loogana hadlayey Badbaadada Suxufiyiinta, Xoriyatul Qowlka iyo helida Xogaha iyadoona dhinacyada Si waafi ah ay kaga Doodeen.

Bulshada Baladweyne ayaa Markanne qiraya ineey warbaahinta tahay halka kaliya ee laga heli karo wararka Xaqiiqda ah iyadoo aanan lagu kasoonaa karin wararka lagu Baahinayo Baraha Bulshada qaarkood,.

Taliye ku Xiigeenka saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Xidigle axmed Cali Bin Cali Ayaa sheegay in wada shaqeeynta dhaxmarta Wariyaasha iyo Booliska Magaalada ineey qeeyb ay ka tahay Bad-qabka wariyaha,..

Cali Canshuur Faarax oo kamid ah Bahda warbaahinta ayaa isagan qaba Aragtida la xiriirta in wariyaha Markasto uu yahay kan wararka Saxan Bushada usoo Gudbiya kana Fogado sheekoyinka Been Abuurka..

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kan degmada Baladweyne ayaa shegay ineey Bahda Warbaahinta u Diyaarinayan ilo ay si dhow wararka ugu heli karaan iyada oo la ilaalinayo Xoriyatul Qowlka…

Xogyaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Mudane Maxamed Cismaan Makaraan ayaa soo xiray Doodan, waxaana uu sheegay in ay qaban doonan doodahan oo lagu dhisayo Kalsoonida Wariyaasha iyo Bulshada si loo helo Warar saxan.

Dood Cilmiyeedkan ayaa labadii Maalmood ee ugu Dambeeyey wexeey ka soconeeysay Magaalada Baladweyne iyadoo Masuuliyiinta iyo shacabka ay isla Gorfenyeen Qaabka lagu ilaalin karo Xoritul qowlka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA