Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Erdogan iyo Talyaaniga oo iskula dhacay arrin Xamaas ku saabsan

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ku aadanaa Xamaas uu ahaa hadal “yaqyaqsi ah”( lalabo). Salvini ayaa dalbaday in safiirka Turkiga ee Rome ay u yeerto wasaaradda arrimaha dibadda si arrimaha wax looga waydiiyo looga yeero wasaaradda arrimaha dibadda si loola wadaago sida arrintaan Talyaanigu uga soo horjeedo

Salvini ayaa cambaareyay hadalka Erdogan ee Xamaas wuxuuna ku tilmaamay “mid xun oo laga yaqyaqsoodo, oo aan ku haboonayn in laga yiraahdo xiisadda Bariga dhexe. Waxaa uu intaa raaciyay”Waxaan u soo jeedin doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani inuu u yeero safiirka Turkiga,” ayuu yiri Salvini.

Intaa kadib, wasiirka arrimaha dibadda Tajani ayaa yiri, “Waxaan dhageysan doonaa ra’yiga ra’iisul wasaare ku xigeenka Salvini si aan u fahmo fikradihiisa iyo mawqifyadiisa ku saabsan xiisadda Bariga Dhexe.”

Tajani waxa kale oo uu intaa ku daray, “Mawqifka dawladda Talyaanigu waa cad yahay: Annaga, Xamaas waa urur argagixiso.

Hadalka ra’iisul ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka dambeyay kadib markii madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu meesha ka saaray in Xamaas ay tahay urur argagixiso, waxaana taa badelkeeda u uku sheegay in kooxda Xamaas tahay “xorriyad doon”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA