Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay goobo lagu kaydiyo hubka Iran

0
174

Jimco , October -27- 2023-{HMC}  Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay gaysteen diyaaradaha Mareykanku lala beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo rasaasta ay isticmaalaan ciidamada Iran.

Weerarka oo xalay la fuliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Abu Kamaal ee ku taalla xuduudka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Ilaa hadda lama oga in uu jiro khasaare ka dhashay weeraradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here