Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay Awooda Xamaas ee Israa’iil uga cabsanayso duulaanka dhulka ee Qasa?

Jimco , October -27- 2023-{HMC}  Weerarki lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil, maamulka dalkaasi wuxu ballan qaaday in kooxda uu ka sifayn doono guud ahaan dhulkaas. Ama uu xididdada ugu siibi doono dhamaan dhulka Qasa.

Falanqeeyasha arimahan ayaa cabsi ka qaba in Israa’iil aysan si cad u fahmin waxa ka dhici doona Marinka Qasa ka dib marka la soo afjaro howlgalka dhulka ee ciidamada IDF, mustaqbalka deegaanka oo ay ku nool yihiin ilaa 2.2 milyan oo falastiiniyiin ah, ayaa weli shaki ku jiraa.

Hawlgalka Xamaas ayaa ahaa weerarkii ugu xumaa ee Israel lagu qaado muddo 50 sano ah. Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa la dilay, in ka badan laba boqol oo kalena waa la haystaal, tobaneeyo kalena weli waa la la’yahay.

“Dadka Israa’iil waa mideysan yihiin, maantana hoggaankooda sidoo kale waa mideysan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Xukunka Israa’iil ee Xamaas waa dhimasho laakiin dhinaca kale dagaalyahanada ururkaasi waxay doonayaan inay dabar jaraan Israa’iil.

Wasiirka arimaha dibada Israa’iil Eli Cohen ayaa u sheegay wariyaasha in Qasa mar danbe aysan khatar ku ahaan doonin dalkiisa aysana ogolaan doonin in Xamaas ay ka sii jirto awoodeeda Marinkaasi.

Wax yar ka dib weerarka ay qaadeen Xamaas, taliska ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in hawlgal dhulka ah oo aan hore loo arag laga diyaarinayo marinka Qaza.

Waxayna ugu baaqeen dadka deegaanka inay kaga baxaan qaybta waqooyi ee go’doonsan muddo 24 saacadood gudahood ah.

Diyaar garowga dagaal dhulka Israa’iil waxay si buuxda u diyaarisay ciidan ku gaashaaman dabaabadaha dagaalka, waxayna u yeertay ilaa 300 oo ciidamadeeda kaydka ah.

Weerarka dunida isha ku hayso ee dhulka wali ma bilaabin waxaana soo baxay digniino ka yimid kuwa ay is hayaan ee gobolka, kuwa taageera Israa’iilna kuma niyad sama inay qaadaan waana tan soo dadajisay inay dib u dhigaan howlgalka dhulka.

Israa’iil ayaa marar badan ku nuuxnuuxsatay in aysan damacsanayn in ay qabsato Qaza, iyadoo hadafkeeda ugu weyn ku tilmaantay inay soo afjarto maamulka Xamaas.

Laakiin ma cadda cidda maamuli doonta deegaanka, Israa’iilna ay awood u leedahay inay samayso damaceeda.

Ma jiraan hadafyo ciidan oo dhab ah oo la gaari karo.

Maraykanka oo ah taageeraha ugu weyn ee Israa’iil waxaa uu ka walaacsan yahay in milatariga Israa’iil aysan diyaar u ahay inay duulan dhulka ah u shaqayn karo sida uu qorey wargayska New York Times.

Kulankii Tel Aviv ee dhexmaray Ra’iisul wasaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxay isla qaateen in loo baahan yahay in la dajiyo qorshe hawleed waqti dheer ah .

Wuxuuna Biden xusay in qaadashada go’aannada adag ee xilliga dagaalka ay u baahan tahay caddayn ku saabsan yoolalka.

Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in ciidamada la geynayo Qasa iyo duulaanka dhanka dhulka oo aan lahayn hadaf cad marka laga reebo in ururka Xamaas laga saarayo uu isu rogo dagaal goboleed.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale ka hadlay khatarta colaadda gobolka mar uu la kulmay Benjamin Netanyahu 24kii Oktoobar.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in xitaa dalalka carabtu ay ka walaacsan yihiin weerarka dhulka ee Israa’iil ku qaado Qasa halkaas oo ay ku nool yihiin 2.2 milyan oo qof.

Sida uu qabo khabiirka milatariga Israa’iil Israel David Gendelman,waa in lays waafajiyaa istaraatiijiyada cad ee Qasa ee ka soo bixitaanka marka ay laga adkaado Xamaas.

Dowladda cusub ee Qasa.
Ku soo laabashada maamulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ayaa ah mid ka mid ah xaaladaha ugu wanaagsan ee laga dareemayo go’doominta Israa’iil.

“Ugu dambeyntii, waxa ugu wanaagsan ee dhici kara waa ku soo noqoshada maamulka Falastiiniyiinta ee Qasa” ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid.

Hadii Israa’iil ka adkaato Xamaas,waxa xigi doona waa qaab aan la isla qaadan doonin oo iyada qudheedu horseedi karta xiisad kale oo gobolka ka dhacda.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in marka Xamaas laga adkaado, Israa’iil ay meesha ka saari doonto mas’uuliyadda nolosha marinka Qasa.

Xamaas waxay raadinaysaa burburinta Dawladda Israa’iil iyo abuurista dawlad Islaami ah oo dhan Falastiin taariikhi ah. Dhaqdhaqaaqa waxa uu taageero ka haystaa Iran.

Kooxdan ayaa xukunka Marinka Qasa ku timid sannadkii 2007-dii iyadoo loo maray doorashooyin, balse kaddib waxay si xoog ah uga eryeen kooxaha ka soo horjeeday siyaasadda. Wixii markaas ka dambeeyay dhowr dagaal ayey la galeen Israa’iil.

Xamaas iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh ayaa kumanaan gantaalo ah ku garaacay Israa’iil waxayna qaadeen weeraro badan.

Ururka Xamaas ayey dalal badan ku dareen liiska argagixisada sida UK, EU, US, Israel, Japan iyo Australia.

Ma cadda mustaqbalka Qasa, mana la saadalin karo dagaalkan iyo sida uu ku dhamaanayo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA