Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay yihiin eeyaha lagu soo biiriyey ciidanka Somaliland?

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay keensatay eeyo la hawlagala ciidanka amniga.

Sida lagu xusay barta hay’adda sirdoonka ee X, waxay hay’addu keensatay eeyo la sheegay inay la shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa.

Waxay eeyuhu kala shaqayn donaan inay qabtaan qaraxyada la dhigo meelaha u dhow dhismeyaasha, meelaha gaadiidka la dhigto, meelaha u dhow xafiisyada, gaadiidka, xirmooyinka, dadka iyo xarumaha dawladda.

Waxaa kale oo barta X ee sirdoonka Somaliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed xasan uu “salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan ey tababaran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport, kuwaasoo hordhac u ah cutub ay yeelan doonto NIA”.

Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirrada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwaasoo wajiyada u xiran yihiin. Lama sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois.

Noocas loo yaqaano Belgian Malinois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hogaamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, ka dib markii lagu sii daayey godkii uu ku cararay Abu bakar Al Baqdaadi.

Dhaawac ayaa ka soo gaaray hawlgalkaas Conan oo ah eeygaas godka ka daba galay Al Baqdaadi, waxaana billad Sharaf guddoonsiiyey madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Donald Trump.

Sweden oo tallaabo adag ka qaadaysa ninkii gubay kitaabka Quraanka
26 Oktoobar 2023
Yaa kula tartamaya xil. Marwo Bashiir xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka
4 Saacadood ka hor
Maxay tahay Awooda Xamaas ee Israa’iil uga cabsanayso duulaanka dhulka ee Qasa
6 Saacadood ka hor
EeyXIGASHADA SAWIRKA,SOMALILAND NIA
Eeyuhu waxay leeyihiin dareen aad u xoog badan oo ay wax ku urin karaan. Waxay ku xiran tahay qofka tababaraya sida uu u baro inuu qaban karo waxyaabaha sharci darrada ah.

Bil matal, sida uu dhigayo medium.com, Eeyga waxaa la baraa waxyaabaha ay carruurtu ku cayaarto, waxaana la siiyaa wakhti fiican oo uu ku barrto aaladaas. Marka dambe waxaa la mariyaa daroogo, ka dibna waxaa eeyga la baraa urka daroogada.

Natiijadu waxay noqonaysaa in eeygu uu qofka xarigga u haya ku soo jeediyo marka au u soo uraan wax la mid ah urka daroogada.

Marka eeyaha la barayo qaraxyada way ka yara dhib badan tahay, waayo qaraxa wuxuu ka kooban yahay dhowr waxyaabood oo la isku geeyey. Eeyaha waxaa si gaar ah loo baraa inay aqonsan karaan nooc kasta o ka mid ah isku dhisyada qarax uu ka koobnaan karo.

Ka dib waxaa lagu galiyaa meel qarsoon, sida in lagu aaso god dhowr dhudhun ah ama in la mariyo barafuun carfaya ayadoo la eegayo sida uu eygu u so saari karo.

Inta badan eeyaha hawshaas loo tababarayo iyo qofka xarigga u haya waxay sameeyaan 12 usbuuc oo tababar adag ah.

Eeyaha wax baadigooba waxaa loo tababaraa inay baaraan dadaka la la’ yahay iyo meydadka.

Eeyaha wax weerara
Noocan waa eeyo la shaqeeya milateriga iyo booliska. Eeyaha wax weerara waxaa la baraa inay weeraraan oo qabtaan dadka dambiilayaasha ah. Laba marxaladood ayuu ka kooban yahay tababarka eeyahan.

Marxaladda 1aad waa in eyga la baro inuu qaato amarrada aasaasiga ah, oo uu addeeco qofka xarigiisa haya, uuna aad ugu dhawaado oo uusan ka fogaanin wax kasta oo dhaca.

Marxaladda labaad waxaa la isla tababaraa eyga, qofka xarigiisa haya, iyo qof matalaya dambiile, laakinse xiran wax ka celinaya qaniinyada. Eeyga waxaa la baraa in marka la amro uu weeraro dambiilaha, marka amar la siiyana uu sii daayo.

Waxaa kaloo lagu tababaraa xaalad uu buuq iyo sawaxan badan jiro si uu u maqli karo amarrada ayadoo uu buuq jiro.

Mararka qaar ama inta badan eyahaas waxay wax ka galaan dagaallada.

Waxaa kaloo jira eeyo la baro inay madaxda ilaaliyaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA