Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu yiri xildhibaanka Soomaaliga ah ee sida adag uga hadlay dagaalka Xamaas iyo Israa’iil?

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.

Odowaa oo la hadlayey arday qalin badalanaysay ayaa xusay in xiisadda hadda Qasa ka taagan ay tahay mid caalamka oo dhan indhaha ku hayaan.

Wuxuu tilmaamay in arrinta Qasa ay muhiimad u leedahay Soomaaliya caalamka muhiimad gaara u leh.

‘‘Waa masuuliyad daro iyo akhlaaq xumo in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay Falastiin, wax badan baa naga galay, walaalo ayaan nahay, markay xanuunsadaan waa inaan xanuunsannaa, markay farxaana waa inaa faraxnaa“ ayuu si caro leh u yiri Xildhibaan Odowaa oo mar xubin ka soo noqday golaha wasiirrada Soomaaliya.

Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyiomeel ay u furan. Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu intaas raaciyey.

Xildhibaan odowaa ayaa dowlada iyo shacabka soomaalida ugu baaqay in sida yihiin si ka weyn dadkaas loogu gurmado oo caawinaad loo aruuriyo Falastiin oo xilligan ku jira waqti adag ayna ku socdaan duqaymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaa Qasa.

“Haddaan dowlad nahay iyo hadan ganacsato nahay iyo haddaan shacab nahayba aan wax isugu darno dadkaa wixii lagu caawin karo waa inaan ku caawinaa ha loo geeyo“ ayuu yiri Cabdirixmaan Odowaa.

Isagoo sii hadlayey Xildhibaan Odowaa ayaa xusay inay masuuliyad daro tahay in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay.

‘‘Sodon sano ka badan oo an dhib ku jiray waxaa imaanayey gargaar ka imaanayey Kuweeyt,Ciraaq,Sacuudiga raashin keeneyey xiligii caga bararku ka dhacay Soomaaliya ma waxay dhaheen maxaa naga galay miyey na dhaheen“aayu hadalkisa sii raaciyey

Waa hadalkii ugu adkaa ee masuul Soomaali ah ka dhaho xiisada ka taagan Qasa tan iyo 7-dii october markii uu qarxay dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo hore u soo noqday wasiira arimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa dhaliilay cid kasta oo si khaldan u dhigta “qaddiyadda Falastiin”,

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ayaa isna dhawaan ku tilmaamay waxaa ka socda Qasa inay tahay arrin wax ka baxsan bini’aadanimada.

Shacabka ayuu ka dalbaday in itaalka loo hayo hadda ay tahay in loo duceeyo rayidka Falastiin oo todobaadkii saddexaad dhexda ugu jira mid ka mid ah xaaladihii bini’aadanimo ee ugu adkaa caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa war kooban oo afka carabiga ku qornaa oo ay soo baxay wasaarada arimaha dibada 18 october ku canbaaraysay weerarkii gantaalka ee ku dhacay isbitaalka Al-ahli oo dad ka badan 500 ruux ay ku dhinteen oo ahaa bukaanadii iyo shaqaalahii isbitaalka.

Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay kaliya weerarkii Isbitaalka, waxayna ku baaqday in si shuruud si la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Qasa.

Muddada labada todobaad ka badan ee xiisada Qasa ay socoto ayaa dareenno adag ay ka muujiyeen culimada Soomaalida oo khudbooyinka masaajidda ee Jimcayaashii la soo dhaafay ku soo qaatay iyagoo kaga hadlay dagaalka.

Sidoo kale magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho shacab ayaa sameeyey dibad baxyo koobnaa oo ay ku taageereen Falastiin kuna cambaareeyen duqaymaha Israa’iil ee dagan Qasa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA