Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MW Xasan Sheekh oo Erdogan kala hadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka.

Intii uu socday kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza, maadaama labada dal ay ka mideysan yihiin qadiyadda Falastiin.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan, wuxuuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee Turkigu uu ka qaadanayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalila ka soo saartay kulankaas.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

“Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda aad u raadineysa taageero dhanka duqeynta ah, si ay kaga adkaato kooxda AS, wuxuu Turkigu ugu horeeyaa dalalka ay Soomaaliya ka rajo qabto inay u buuxi karaan kaalintaas.

 

Maalmaha soo socda waxay dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa inay dhacaan howlgallo culus oo duqeymo u badan, kuwaas oo ciidamada qaranka, saaxiibada caalamka iyo kuwa deegaanka ay ka fuli doonaan deegaanada ay AS weli ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA