Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo Aadan Madoobe Ku eedeysay Guul daradii kaso Gaartay Dorashadii maanta

Jimco , October -27- 2023-{HMC} Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo maanta looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas.

Doorashada ayaa maanta ka dhacay dalka Angola, afar gabdhood ayaa tartameysay oo Marwo Bashiir ay ku jirtay, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, isla markaana laga ogolaaday inay tartankeeda sii wadato.

Warqadii uu diray guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gaartay xildhibaanadii codeyn lahaa, taasi waxay sababtay in wadamo badan ay Xildhibaan Marwo u cadeeyaan in markii hore ay codkooda sii rabeen, laakiin hadda ay ka cudur daaranayaan, maadaama dowladda Soomaaliya oo loo codeyn lahaa aysan diyaar u aheyn inay kurigaan qabato.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Waxay qabtay rajada ugu sareysay inta aysan soo bixin warqadaas, laakiin waxay noqotay qofkii ugu codadka yaraa afarta haweenka ah ee tartanka gashay, waxayna heshay 11 cod kaliya.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada oo ugu dambeyn maanta looga guuleystay.

“Waxaa la igu yiri Marwo waxaad ku tartameysaa magaca baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxday baarlamaanka aad ka tirsaneed in uusan kula shaqeyneyn oo korsigaas aysan diyaar u aheyn, marka cod kuma siin karno, sababtoo ah dooraashadaan muhiimadeedu waa in baarlamaanadu isla shaqeeyaan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Marwo Bashiir.

Ugu dambeyntii waxay tiri Xildhibaan Marwo, “Codadkii aan ku tashanayey ayaa u jaheystay dad kale oo taageero buuxda ka heysta dowladahooda, saakay markii aan goobta codeynta tegay, wadan kasta xubnihii ka socday waa iga cudur-daarteen, waxaa la igu yiri anaga Soomaaya inan codka siino ayaan rabnay, laakiin Soomaaliya ayadaba rabin inay cod qaadato, marka dad kale oo u baahan ayaan codadkeena sii doonaa ee Marwo naga raali ahaaw.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA