Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay nin ka tirsanaa A s

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Abshir Mowliid Axmed oo ahaa bamba tuur ka tirsanaa Al-shabaab ayey gacanta ku soo dhigeen ciidanka kumaandoska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

Abshir ayaa bam gacmeed ku weeraray xaafad ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandoska Danab oo ku taalla magaalada kismaayo,

“Markii uu falkaas gaystay kadib ayuu damcay inuu goobta isaga baxsado balse ciidanka ayaa cayrsaday kana soo saaray xaafad uu ku dhuuntay oo uu islahaa kaga baxso ciidanka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Danab.

Abshir ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka kumaandooska danab isagoo sheegay iney jiraan bambooyin u kaydsan oo uu damacsanaa inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada Kismaayo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA