Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar

Muqdisho, Oktoobar 28, 2023— Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

 

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA