Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Erdogan oo qaaday tallaabo culus Iyo Israa’iil oo Turkiga kala baxday diblomaasiyiinteeda

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa soo dhigay bartiisa twitterka qoraal uu ku sheegay in uu ku amray dublamaasiyiinta Israa’iil in ay ka baxaan dalka Turkiga, kadib waxa uu ugu yeeray “hadallada qallafsan ee ka soo yeeraya Istanbul.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku tilmaamay duqaymaha Israa’iil ee Qaza “xasuuq” isla markaana ay Israa’iil u aqoonsanayaan “dambiile dagaal.”

Xilli uu Erdogan maanta la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil.

“Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Erdogan sidoo kale ku adkeystay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof, fagaarahaas ayaa ku yaalla magaalada Istanbul.

Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin, waxaana munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin, iyadoo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin, halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah.

Sabtidii maanta wuxuu Erdogan ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ay u midowdo dhagarta reer Galbeedka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA