Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka G/Banaadir oo amar culus dul-dhigay dadka dagan dhulkii wasaaradda arrimaha gudaha DF

Sabti , October -28- 2023-{HMC} – Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus dul-dhigay dadka shacabka ah ee degan xaruntii hore ee wasaaradda arrinaha gudaha Soomaaliya oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan aagga taallada Daljirka Daahsoon.

Afhayeenka maamulka gobolka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta la doonayo inay baneeyaan dadka degan ayaa sheegay in qoysaska ku nool halkaas uu ka dhamaaday waqtigii horay loogu qabtay oo hal bil ahaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaan hadda loo qabtay inay dhismaha wasaaradda uga guuraan muddo toddoba cisho ah, maadaama ay horay u soo dhameysteen digniin hal bil ah.

Wuxuu sheegay in maanta ay isku dayeen inay la kulmaan odayaasha degan xarunta wasaaradda, si loo weydiiyo sababta ay uga guuri waayeen dhismaha ay soo dalbatay wasaaradii laheyd, balse ay diideen inay la kulmaan maamulka.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu mar kale isku dayey in dadkaan lala fariisto, maadaama uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay, balse waxaad u jeediin in odayaashiin deganaa halkaan ay diideen inay nala kulmaan,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan ayaa sheegay in dhulkaan ay soo dalbatay wasaaradda arrimaha gudaha oo dooneysa inay dib u dhisato, isla markaana booliska gobolka la faray inay toddoba cisho kadib ka saaraan dadka degan, hadii ay ka dhega adeygaan dalabka dowladda.

“Guddoomiye Madaale oo tixraacaya dalabka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadka degan xaruntaan soo gaarsiiyey go’aanka lagu baneynayo dhulkaan, sidoo kale warqad dhaqan gelin ah ayaa loo diray taliska qeybta guud ee booliska gobolka, waxaa dadkaan la siiyey inay ku guuraan muddo bil ka badan, waqtigii waa ka dhamaaday, hadana waxaa loogu daray 7 cisho,” ayuu yiri afhayeen Saalax.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad loogu dhaliilaa inay dadka shacabka ah ka kiciso xarumihii dowadda oo ay deegaameysteen, iyadoo aan la siin dhul kale oo ay degaan, taas oo dhibaato culus ku ah dadka danyarta ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA