Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed ayaa gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira dardar galinta Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab eek a socda deegaanada Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la filayaa in booqasho ku tagaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaas.

Muddooyinkii dambe deegaanada Koonfur Galbeed waxaa ku sugan Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, isaga oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo deegaanada uga dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA