Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo duqaymo la dhacay saldhigyo ay leedahay Iran

Sabti, October -28- 2023-{HMC} – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn ka dhacday Dalka Suuriya oo Washington ay sheegtay in ay ku beegsatay Saldhig iyo xarun kayd hub u ahayd Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

War kasoo baxay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu jawaab u ahaa duqeyn Jimcihii lagu beegsaday mid kamid ah Saldhiyada Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Dalka Suuriya.

Sidaas oo kale waxa ay jawaab kale ay u tahay weerar Khamiistii lagu qaaday Saldhig Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Dalka Ciraaq oo dhammaan labadaas weerar dusha laga saaray Ciidanka Iiraan & Dad deegaanka ah oo ay garabsiinayaan.

Sarkaal katirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aanay isku xirnayn weerarrada ka socda Suuriya iyo dagaalka u dhaxeeya Falastiiin & Xamaas kaddib markii qaar kamid ah Warbaahinta caalamka ay isku xirtay labadaa daraf.

Weli war kama soo bixin Iiraan si ay faah-faahin uga bixiso sheegashada Mareykanka ee la xiriirta in uu burburiyay saldhig lagu keydiyo Hubka iyo eedeyntii hore ee weerarrada ka dhankaah labada Saldhig ee Washington ku leedahay Ciraaq iyo Suuriya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA