Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Qoorqoor oo saxiixay Hiishiis Cusub.

Axad , October -29- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo ka soo gudbay Golaha Wakiillada.

Shuruucda uu saxiixay Qoorqoor ayaa waxaa ka mid ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Heshiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.

Qoorqoor ayaa sheegay in shuruucda iyo heshiisyada uu saxiixay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarka Galmudug iyo Xal u helida qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka jira.

“Maamul sidiisaba waxaa uu ku dhisan yahay sharuuc lagu dhaqo xaaladaha iyo dhibaatooyinka jira oo aan la maareyn karin sharci la’aan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA