Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Qaar ka mid ah gargaarkii dhowaan la geeyey Gaza oo la boobay

Axad , October -29- 2023-{HMC}  Kumanaan reer Gaza ah ayaa jabsaday bakhaarradii iyo xarumaha qaybinta gargaarka ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) waxaana la qaatay bur iyo allaabta badbaadada aasaasiga ah sida ay sheegtay hay’adda.

“Tani waa calaamad walaac leh oo ah in nidaamka madaniga ahi uu bilaabayo inuu burburo ka dib saddex toddobaad oo dagaal ah iyo go’doomin adag oo lagu hayo Gaza,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Hay’adda Gargaarka Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin UNRWA.

Mid ka mid ah bakhaarada, oo ku yaal Deir Al-Balah, waa halka ay UNRWA ku kaydiso sahayda kolonyada bini’aadantinimada ee Gaza uga soo gudbaya Masar.

Sahayda gargaarka ee Gaza ayaa la xanibay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday duqeymaha ay ku hayso shacabka reer Falastiin, taasoo jawaab u ah weerar dhimasho badan dhaliyay oo ay ku qaaday kooxda Xamaas 7-dii Octoobar

“Alaabaha suuqa yaallaa way dhamaanayaan iyadoo gargaarka bini’aadaninimo ee imanaya Marinka Gaza aanu ku filnayn shacabka,” ayey tiri UNRWA oo intaa ku dartay in nidaamka hadda jira ee lagu geliyo kolonyada bini’aadaninimo ee Gaza loo qorsheeyay in lagu guuldareysto.

“Baahida bulshooyinku waa kuwo aad u weyn, halka gargaarka aan heleyno uu yahay mid yar oo aan baahida dabooli karin” ayaa lagu yiri qoraalka heyadda.

UNRWA ayaa sheegtay in awooddeeda ay ku caawinayso dadka Gaza oo ay si adag u saameysay duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay 50 ka mid ah shaqaalaheeda, lana xaddiday dhaqdhaqaaqa saadka.

Xataa iska horimaadka ka hor, heyaddu waxay sheegtay in shaqadii loo igmaday dhaqaale la’aan awgeed aysan u socon sidii loo baahnaa.

UNRWA Waxaa la aasaasay 1949 ka dib dagaalkii ugu horreeyay ee Carabta iyo Israa’iil, waxay bixisaa adeegyo dadweyne oo ay ku jiraan dugsiyada, daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo gargaarka bini’aadanimo ee Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA