Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dibadbax ballaaran oo ka socda isgoyska ZOOBE ee magaalada Muqdisho

Axad , October -29- 2023-{HMC} –  Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka socda isgoyska Zoobe ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo ay ka qayb-galayaan wasiiro, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedka dibadbaxan ayaa ah mid lagu xusayo qaraxyadii labada ahaa sanad ka hor maanta oo kale 19-kii October ee sanadkii hore 2022-kii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Qaraxyadaas oo ay soo maleegeen xubnaha kooxda AS ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 100 qof, halka lagu dhaawacay qiyaastii 300 oo kale, waxayna dhacdadaas dadka Soomaaliyeed soo xusuusisay tii 14-kii October oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu laayay.

Weerarka 19 OctobeR yaa noqday kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Soomaaliya, AS ayaana si aan cabsi ku jirin u sheegatay mas’uliyadda weerarka.

Munaasabadda maanta ka dhacday Zoobe ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, waxayna ku baaqeen in meel looga soo jeesto AS lana taageero ciidanka huwanta.

Dibadbaxan ayaa kusoo aaday, maalmo uu kadib markii Muqdisho, gaar ahaan Zoobe lagu xusay 6 sano kadib dhacdadii 14 October ee 2017-kii, taas oo galaaftay nolosha dad badan.

14-ka Oktoobar waa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag, kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen AS waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo kuwo ay ku hayeen kooxaha as, haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA