Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Gargaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

Axad , October -29- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin kuwa dhibaatada ku haayo shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer galbeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida gar gaar iyo dhaqaatiirba ugu diri karto magaalada la go’doomiyay ee Gaza, iyadoona Isreal ay diidan tahay in magaaladaasi iyo dadka ku xayiran gar gaar iyo dawaooyin lala gaaro.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA