Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay dalka

Axad , October -29- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku maqnaa dalka Mareykanka.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka waxa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada dalka Mareykanka, iyaga oo ka wada hadlay sidii bog cusub iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Aadan Madoobe} ayaa inta uuu halkaas ku sugnaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa la wadaagay xaaladda Dalka.

Aadan Madoobe ayaa waxa uu Jaaliyadda uga xog-warramay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno katirsan qaar kamid ah Dowlad-Goboleedyada iyo abaabulka xooggan ee laga billaabay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Khudbaddiisa waxa uu kusoo hadal qaaday in uu furan yahay doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee taageerista howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ oo tan iyo markii uu billowday deegaanno & degmooyin muhiim ah looga qabsaday.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA