Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Laftagareen oo qorshaha Dagaalka AS kala hadlay Odayaal Dhaqameed

Axad , October -29- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka iyo labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaarada Magaalada Waajid wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Qeybaha kala duwan Bulshada iyo Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Booqashadaan ayaa ku soo aadaysaa xilli maalintii shalay uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isaga oo halkaas kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA