Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in Israa’iil ay dhaaftay xariiqda cas, taas oo qof kasta ku qasbaysa in uu tallaabo qaado

Axad , October -29- 2023-{HMC} –  Madaxweynaha wadanka Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa bartiisa X (Twitter) qoraal uu dhigay ku yiri “Washington waxay na waydiisanaysaa in aynaan waxba sameyn, laakiin taageero ballaaran ayay siinayaan Israa’iil. Maraykanku waxay fariimo u dirayaan tiirarka wax iska caabinta, laakiin fariin cad ayay ka helayaan goobta dagaalka.”

“Tiirarka wax iska caabinta” waa isku xir u taagan kooxaha ay Iiraan taageerto ee mandiqadda bariga dhexe oo ay Xamaas ku jirto.

Madaxda Maraykanka ayaa uga digay Iiraan in ay ku lug yeelato dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, si looga baaqsado dagaal ballaaran oo mandiqada ka qarxa.

Ururka Xisbullah, oo saldhigiisu yahay Lubnaan, sidoo kalena ay taageerto Iiraan ayay gantaallo is waydaarsanayeen Israa’iil todobaadyadii la soo dhaafay.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA