Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} R W Xamsa oo Muqdisho ku soo xiray shirweynaha dhiirigelinta waxsoosaarka dalka.

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Wax soo saarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka

Waxaa uu xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA