Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal culus oo ka dhacay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa ahaa mid dhexmaray ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa Ururka Al-Shabaab, kaasoo yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen goob ku taala deegaanka Buulo Xaaji oo uu shir uga socday xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ilo ku sugan deegaanka Buulo Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa dhankooda sheegay in weerarka ay jab xoogan ku gaarsiyeen xubnaha Shabaab ka tirsan, islamarkaana ay wali ku raad joogaan firxadka xubnaha shabaabka ee goobta ka baxsaday.

Deegaanka Buulo Xaaji ee saakay dagaalku ka dhacay ayaa ka mid ahaa deegaanada kooxda Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada ay kooxdu ka geysato magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA