Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaalka Marinka Gaza oo caqabad lama filaan ah ku Noqday Israel

Isniin , October -30- 2023-{HMC}  Maamulka Israel ayaa caqabad aan la iska indha-tiri karin waxa uu u arkaa bannaanbaxyada ay dhigayaan qoysaska iyo ehellada in ka badan 200 oo Israa’iliyiin ah oo lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo Xoogagga Xamaas ay ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Qoysaska iyo ehellada la haysteyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay dib u billaabay in ay ku hor bannaanbaxaan xafiisyada iyo xarumaha maamulka, iyagoona dalbanaya in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaasha.

Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ku eedeeyay in markii hore ay dayaceen amniga la haysteyaasha, xilligii la qafaalanayay, haddana aysan wax gorgortan ah ka galeynin, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa guryahooda, isla-markaana ay khatar gelinayaan noloshooda, bacdamaa uu maamulku kordhiyay hawlgaladiisa Gaza.

Dadkan ayaa dalbaday in maamulku uu joojiyo duqaymaha baahsan ee Marinka Gaza.

Waxaa dadkan walaaca ku kordhiyay ayaa ah, iyadoo Ururka Xamaas uu sheegay in dad hor leh oo ka tirsan maxaabiista ay ku dhinteen weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa dalbaday in maamulku uu sameeyo maxaabiis is weydaarsi, si Israa’iiliyiinta la haysto oo tiradoodu ay gaareyso 229 qof ay si nabada ugu soo laabtaan guryahooda.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor dambe oo xalay ahayd la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, ka dib markii ay ku hanjabeen inay bilaabayaan mudaaharaadyo waaweyn, oo dadkuna ay ugu baaqi doonaan in waddooyinka magaalooyinka isugu soo baxaan, si loo helo cid damaanad qaadda in la haysteyaasha aanay waxyeelo ka soo gaari doonin duqaymaha hawada iyo hawlgalka dhulka ee laga sameynayo Gaza.

Ra’isal Wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ugu laab qaboojiyay in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda ugu soo laabtaan.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah, si aan guryahooda ugu soo celino,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee Gaza uu muhiimaddiisu yahay, sidii loogu soo samatabixin lahaa la haysteyaasha, haddana uu fahmi karo cabashada qoysaska maxaabiista.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa waqti siinaya maamulka, iyagoona eegaya tallaabada uu qaadi doono, ka hor inta aanay bilaabin dibadbaxyada ay ku hanjabeen.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii daayaan maxaabiista Israa’iiliyiinta, waa haddii Israel ay oodda ka qaadeyso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis is dhaafsi degdeg ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku xiran xabsiyada Israel, si loogu bedelo dhammaan maxaabiista ay hayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiin,” ayuu yiri Yahya Sinwar.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

Haddii labada dhinac ay haatan sameeyaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah ayaa wuxuu noqon doonnaa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ee dhinacyadaasi dhex mara.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA