Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudiga qaban qaabada Ciyaaraha oo la Magacaabay

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.

Guddigaan uu maanta magacaabay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankaan oo lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto bartamaha bisha December ee sanadkaan.

Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga oo loo magacaabay Cabdiraxiin Warsame Diiriye, halka guddoomiye ku xigeenka guddiga laga dhigay Axmed Faarax Taqal.

Waajibaadka Guddiga Qaban qaabada Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir ayaa ah:-

Meelmarinta iyo fulinta howlaha loo idmaday.
Diyaarinta miisaaniyadda ku baxaysa Qabashada Tartanka.
Isku duwidda iyo habsami u socodka tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir..
Kormeerka iyo dabagalka habsami u socodka tartanka.
Usoo gudbinta xafiiska Wasiirka Warbixinada iyo habsami u socodka tartankaCiyaaraha.
Halkaan ka hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxay Xafiiska Wasiirka

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA