Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo Magaalada Gaza Gaarsiisay gargaarkii Ugu Badnaa

Isniin , October -30- 2023-{HMC}  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa ku dhawaaqday in 33 baabuur oo sida biyo, cunto iyo dawooyin ay galeen Qaza Axadii iyagoo soo maray xuduudka Rafax ee dalka Masar.

“Tani waa qeybtii ugu ballaarneyd ee gargaarka bini’aadantinimo tan iyo 21kii Oktoobar, markaasoo gudbinta gargaarja xaddidan ay dib u bilaabatay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay OCHA.

Ma jirto wax shidaal ah oo illaa hadda loo gudbiyey Gaza ka dib markii Israel ay diiday, inkastoo ay jiraan codsiyo ka yimid isbitaallada, kuwaasoo inta badan ku shaqeynaya matoorada korontada ka dib markii korontadii dhulka ay goysay Israel.

Ilaa hadda, 117 baabuur ayaa ka soo galay marinka Qaza tan iyo markii ay dib u soo celinta xaddidan ay dib ugu bilaabatay dhulka ciriiriga ah ee Falastiiniyiinta oo ay ku nool yihiin in ka badan 2.3 milyan oo qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Ka hor inta aan la go’doomin, ilaa 500 oo baabuur oo sida gargaar iyo alaabo kale ayaa soo geli jiray Gaza maalin kasta, taasoo ka dhigan in gargaarka la gudbiyey wixii ka dambeeyey 21kii Oktoobar uu yahay mid aad u yar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA