Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Raysal wasaare Xamse oo fariin adag u diray Culimada Soomaaliyeed

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xanse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhamaan Culimada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajida gacanta ku haysa iney Masaajida ka sheegaan dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxda shabaab ama ay fursad siiyaan kuwa ka hadli kara dhibaatada ay geystaan Al-shabaab.

“Culimo badan oo waxaa jirta Masaajidda Dadka uga maxaadareeya, Khudbadeeya oo imam u ah laakiin aan hal kalimo ka sheegeen Khawaariijta, Tolow Sheekhaas waxa uu dadka u sheegayo waa maxay? Qaarkood meelaha kale waxyaabaha ka dhacay ayay aad u buun-buurinayaan, Culimada aan ka hadli karin dhibaatada khawaariijta waxa aan leeyahay u banneeya Masaajidda kuwa ka hadlaya dhibkooda” ayuj yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaaraha inaan la xaqiri karin doorka qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay u istaageen ka hadalka dhibaatooyinka Shabaab geysataan, islamarkaana si buuxda u taageeray howlgallada dowladda iyo dadka deegaanka kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan ayuu Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ka sheegay kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe 2 ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay 2022.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA