Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas oo Video ka soo bandhigtay haween Maxaabiis ah & Israel oo ka jawaabtay

Isniin , October -30- 2023-{HMC} Xamaas ayaa soo saartay muuqaal Video ah oo laga soo duubay qaar ka mid ah maxaabiista lagu hayo Gaza oo ku baaqaya in maxaabiista la is dhaafsado

Muuqaalka oo 76 ilbiriqsi soconaya ayaa mid ka mid ah haweenka waxay ku dhaleeceysay dowladda Israa’iil luqadda Cibraaniga inay ku guul-darraysatay inay ilaaliso dadka intii lagu jiray weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar waxayna ugu baaqday Israa’iil inay samayso isbeddel maxaabiis.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa soo saaray bayaan uu kaga jawaabayo muuqaalka ay hore u soo bandhigtay Xamaas, kaas oo ay ku sheegtay in ay muujisay saddex ka mid ah maxaabiistooda:

Tani waa dacaayad nafsi ah oo naxariis darro ah oo ay sameeyeen Xamaas-ISIS. Waan isku duubanahay qoysaska. Waxaan sameyn doonaa wax walba si aan dhammaan dadka la qafaashay iyo kuwa la la’yahay ugu soo celinno guryahooda.” ayaa lagu yiri bayaanka

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo hore loogu yiqiin Twitter ayaa RW Netanyahu wuxuu dumarka ku sheegay magacyadooda Elena Trupanov, Daniel Aloni iyo Ramon Kirsht.

Waan ku salaamay Qalbigayaga ayaa kula jira adiga iyo kuwa kale ee maxaabiista ah, ayuu yiri Netanyahu.

Israa’iil waxay horey u sheegtay in ugu yaraan 239 qof ay ay Xamaas ku heysato Gaza kuwaasoo laga waday degaanada la heysto ee Israel.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA