Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF Somalia iyo Talyaaniga oo heshiis cusub ku saxiixday magaaladda Rome ee dalka Talyaaniga

Talado , October -31- 2023-{HMC} Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaaladda Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeyb-galey munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah, dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.

“Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

“SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta wararka ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki la’aan sii xoojin doontaa awoodda SONNA, taas oou sahlaysa inay kor u qaaddo tabinta wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.”

Wasiirka ayaa intaas ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Ismaaciil Mukhtaar Cumar, halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka ANSA.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday ANSA.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa 12-kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, islamarkaana ay noqotey isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan wararka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda.

Ilaa iyo 60 warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta wararka SONNA 12 biloodkii ugu dambeeyay. ANSA ayaa ka mid ah wakaaladaha wararka Somalia inta badan ka soo xigta SONNA.

SONNA ayaa waxaa la aas aasay 1964-kii waxayna udub dhexaad u ahayd intii ay shaqeyneysay tebinta wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA