Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In ka badan 20 weerar oo lagu qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq & Suuriya tan iyo 17kii Oktoobar 2023.

Talado , October -31- 2023-{HMC} Qaar kamid ah Warbaahinta Mareykanka ayaa warbixinno kala duwan ka diyaariyay weerarrada lagu beegsaday Saldhigyada Ciidanka Ameerikaanka ah ay ku leeyihiin Waddamada Ciraaq iyo Suuriya wixii ka dambeeyay 17kii Oktoobar 2023 oo ku beegan waqtigii uu xooggeystay dagaalka u dhaxeeya Falastiin & Israaiil ee Washington garab istaagga u muujisay Tel Aviv.

14 weerar oo aan kala fogeyn loona adeegsaday gantaallada culus ee duqeynta loogu talagalay ayaa lagu garaacay saldhigyada Mareykanka ee Dalka Ciraaq halka 9 kale lagu beegsaday xarumaha Mareykanka ee Suuriya ka jooga taasi oo wadarta ka dhigeysa in isu geyn 23 weerar oo duqeyn ah lagu weeraray.

Weerarrada qaar waxaa lasoo calaamadeeyay in ay geysteen diyaaradaha duulliye la’aanta ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa oo waxyeello xooggan gaarsiisay ciidamada Ameerikaanka iyo kooxaha hubeysan ee Askarta Washington u tababartay sidii ay ugu adeegsan lahaayeen meelaha halistoodu badan tahay.

15ka Cisho ee laga joojo markii uu weerarkan billowday waxa ay fajac iyo layaab ku noqotay saraakiil & khubaro ciidan oo xitaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka Mareykanka kuwaas oo muujiyay halista kusoo wajahan Dalkooda marka laga tusaale qaato waxyaabaha dhacay ee diiwaanka galay maalmihii u dambeeyay.

Washington ayaa dhammaadka todobaadkii tegay kordhisay ciidamada ka jooga bariga dhexe kaddib markii weerarro xooggan oo duqeymo toos ah iyo kuwo kale oo loo adeegsaday diyaaradaha Duulliye la’aanta Drone-ka ah lagu beegsaday saldhigyo ay ku leeyihiin Dalalka Ciraaq iyo Suuriya inkasta oo la dahaaray khasaaraha ka dhashay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA