Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In ka Badan 25 Wariye oo ku dhintay Dagaalka ka socda marinka Gasa

Talado , October -31- 2023-{HMC} Ugu yaraan soddon iyo kow wariye ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii ay Xamaas weerarka ku qaadday saddex toddobaad ka hor Israa’iil.

Guddiga difaaca wariyaasha ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee CPJ, ayaa sheegay in tiradaan ay ka dhigantahay colaaddii ugu dhimashada badneed dhanka suxufiyiinta tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Lix iyo labaatan ka mid ah wriyaashaan waa Falastiiniyiin halka saddex ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin midna waxaa uu u dhashay dalka Lubnaan.

Ma cadda in dhamaan wariyaashaan ay tebinayeen colaadda ka aloosan Qasa markii ay geerida la kulmeen iyo in kale.

Milatariga Israa’iil ayaa ee dagaalka ka wada Marinka Qasa ayaa warbaahinta u sheegay in aysan damaanad qaadi karin dadka ku sugan aagga dagaalladu ka socdaan.

Wariyaasha dagaalka Qasa ku dhintay waxaa ku jira Roshdi Sarraj, oo aad looga yaqaaney dhulka Falastiin ahaana filim-sameeye iyo Issam Abdallah,oo ahaa wariye muuqaallada duuba fadhigiisuna ahaa Bayruut.

ISHA BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA