Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Vladimir Putin oo Mareykanka ku eedeeyay Qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe

Talado , October -31- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Dalka Mareykanka ku eedeeyay in uu ka dambeeyo xiisadda adag ee ka taagan Bariga dhexe oo gaartay heer halis ah isla markaana ay ku naf waayeen kumanaan ruux kala da’ duwan.

Vladimir Putin ayaa sheegay in Mareykanka uu qaadanayo Mas’uuliyadda rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee dhiigga badan ku daadanaya kana dhacaya Bariga Dhexe waxaana uu ku baaqay in dabaqabad la sameeyo si Dadka loo badbaadiyo.

Waxa uu dhinac istaagay Shacabka Dulman ee Falastiin isaga oo sheegay in Israaiil ay adeegsaneyso hub culus oo mamnuuc ah oo ugu deeqay Mareykanka taasina ay muujineyso sida aan kala sooca lahayn ee Dadka loo baabi’inayo.

Mareykanka waxaa kale uu dusha ka saaray isku dhacyada ka dhacay waddamo dhowr ah sida Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya iyo xitaa Ukraine-ta uu Ruushka weeraray in Washington ay ku daabushay hub iyo ciidan aad u badan.

Ruushka ayaa dhowaan maritqaaday wafdi ka socday Xamaas waxaana war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Moscow lagu sheegay in Falastiiniyiinta xaq u dirirka ah la dulmiyay isla markaana aanay Xamaas u aqoonsadeen ‘Argagixiso’.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA