Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay duqeymo lagu hoobtay oo mar kale xalay ka dhacay Gaza

Talado , October -31- 2023-{HMC} Dad aad u tiro badan oo intooda badan ay caruur yihiin ayaa ka mid ahaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ka dib markii habeen kale ay duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn ay ciidamada Israel ka fuliyeen Gaza.

Dhanka koonfurta magaalada Rafah, ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday guriga qoyska Abu Shamala, sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

Weerar lagu qaaday dhismo labaad oo ay degan yihiin qoyska Xijaasi ee Rafah ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay sagaal qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 18 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa sidoo kale lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay deegaanka al-Zawaida ee bartamaha marinka Gaza.

Dhanka kale, ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeynta lagu weeraray guri ku yaalla xaafadda Al-Zaytuun.

Sidoo kale, Waqooyiga Marinka Qaza, ayaa waxaa lala beegsaday duqeyn dhismo ay daganaayeen, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ilmo lix jir ah, sagaal kalena waa lagu dhaawacay.

Sida laga soo xigtay WAFA, tirada dadka la dilay waxay u badan tahay inay korodho iyadoo dhowr qof ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha la duqeeyay.

Ciidamada Yuhuuda ayaa weli iska sii wada duqeymaha aan loo aabo yeeleynin ee ay la beegsanayaan dhismayaasha Gaza ka dib markii askarta Yuhuuda oo taangiyo watay lagu qasbay iney ka baxaan qeybo ka mid ah Gaza oo ay soo galeen markii ay iska caabin adag kala kulmeen dagaalyahanada Xamaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA